Automatic language translation
Our website uses an automatic service to translate our content into different languages. These translations should be used as a guide only. See our Accessibility page for further information.
WAC
13 21 11
Australia waxay siisaa fursada fiican dadkeeda dhalinta yar si ay u gaaraan riyooyinkooda. Qof walbaa wuxuu istaahilaa inuu doorto qofka ay guursanayaan. In lagu khasbo guur ilmaha wuxuu baabi’iyaa gabadha mustaqbilkeeda. Waxay xadadaa xalkooda waxbarasho waxayna baabi’isaa sanadaha ugu muhiimsan dhalinyaradooda iyo ilmanimadooda. Waxay kaloo ka soo horjeedaa qaanuunka. U ogolow inay go’aansadaan mustaqbilkooda wanaagsan.
Guurka la isku khasbaa waa marka qof (ama labada qofba) ay isguursadaan iyaga oo aan si xor ah raali uga noqon. Waxaa laga yaabaa in la khayaanay, la cabsigeliyey ama lagu cadaadiyey in qofku guursado.
Dadka waxaa loogu khasbi karaa guurka si ficil ah ama si shucuureed. Siyaallahaas waxaa ku jiri kara rabsho jireed ama mid galmood, cabsigelin, xirid, ka saarid dugsi, u sheegida qof inuu/inay u keenayso qoyska fadeexad haddii aanay guursan.
Guurka khasabka ah ee ilmaha aan gaarin da’da guurka, waxaa kaloo loo yaqaan guurka ilmaha lagu khasbay, waa marka qof ka yar da’da 18 sanadood lagu khasbo inuu guursado.
Sida waafaqsan qaanuunka Australia, ilmaha ka yar 18 sandood ma ogolaan karaan in la guursado Carruurta jirta 16 sanadood iyo 17 sanadood waxay guursan karaan keliya haddii ay haystaan ogolaanshaha Maxkamada iyo waalidkood.
Ma jiro qof ka yar 16 sanadood oo sharciyan u guursan kara sinaba.
Guurka khasabka ee ilmaha aan gaarin da’da guurka kuma eka dhaqan, diin ama qawmiyad gaara.
Guurka khasabka ah ee ilmaha aan gaarin da’da guurka waxay ka soo horjeeda sharciga Australia. Waa sidoo kale guurka khasabka ahi.
Sidoo kale guurka khasabka ah, qof kasta oo door ka qaata qabanqaabada guurka khasabka ah ee ilmaha aan da’diisa gaarin waxaa la xiri karaa ilaa todoba sanadood. Kuwaas waxaa ka mid noqon kara qoyska, saaxiibo, qabanqaabiyayaasha arooska, kuwa isku nikaaxa dadka, iyo hogaamiyayaasha diimaha. Sharcigu wuxuu khusaynayaa xataa marka guurka ama munaasibadu tahay fal-diimeed, ama aanu ahayn guur sharcigu xirayo.
Sidoo kale waa dambi marka qof la keeno Australia iyada oo ujeedadu tahay guur khasab ah, ama laga kaxeeyo Australia si dibada loogu guursado. Dadka lugta ku leh qabanqaabinta guurka khasabka ah ee dadka aan gaarin da’da guurka waxaa la xiri karaa 25 sanadood.
Guurka khasabka ah iyo kan la isku qalqaaliyey way kala duwan yihiin.
Guurka la isku qalqaaliyey waa marka qof jira 18 sanadood ama ka weyn la baro qof guur doona qof kale (badanaa waxaa sameeya qoyska). Labada qof ayaa dabadeed doorta inay isguursadaan ama aanay is guursan. Labada qof waa in ay isku raacaan guurka isku qalqaalinta.
Guurka la isku qalqaaliyey sharcigu waa ogol yahay Australia gudaheeda.
Badanaa way adag tahay in la ogaado haddii ilmo ama qof yar lagu khasbay in uu ku guursado isaga/iyada oo aan gaarin da’da guurka. Haddii aad ka shakido in ilma lagu khasbayo inuu/ay guursato iyada oo aan gaarin da’da guurka waa in aad kaalmo raadisaa sida ugu dhaqsaha badan.
Waa muhiim inaad qadariso amaanka qofka khatarta ku jira oo guurka lagu khasbayo iyo adiga amaankaaga. Haddii ay jirto khatar degdeg ah ama cabsi rabshadeed wac 000.
Khadka Kaalmada wuxuu bixin karaa talo iyo caawima 24ka saacadood ee maalintii ah ee dadka dhalinta yar iyo carruurta kuwaas oo khatar ugu jira in wax gaaraan. Kuwaas waxaa ka mid ah kuwa khatarta ugu jira guurka khasabka ee qof aan da’da guurka gaarin.
Waxaa laga yaabo inuu jiro qof aad aaminto, sida dhakhtar, macalin ama xubin qoyska ka mid ah kaas oo aad kala hadli karto guurka khasabka ah ee qof aan da’da guurka gaarin.
Haddii aad ku hadasho luqad aan ka ahayn Ingiriiska la xiriir Adeega Afcelinta iyo Tarjumaada qoraalka tel: 13 14 50 weydiina in lagugu xiro Khadka Caawimada Ilaalinta Ilmaha oo ah 13 21 11.
Lidka-Adoonsiga Australia (Anti-Slavery Australia), 02 9574 9662 www.antislavery.org.au
Wac 13 21 11 si aad u hesho macluumaad iyo caawimo.
21 Apr 2023
We acknowledge Aboriginal people as the First Nations Peoples of NSW and pay our respects to Elders past, present, and future.
Informed by lessons of the past, Department of Communities and Justice is improving how we work with Aboriginal people and communities. We listen and learn from the knowledge, strength and resilience of Stolen Generations Survivors, Aboriginal Elders and Aboriginal communities.
You can access our apology to the Stolen Generations.
What's this? To leave this site quickly, click the 'Quick Exit' button. You will be taken to www.google.com.au